Calendar

Bandow Xalay ka dhaqan galay Degmada Warsheekh Ee Gobolka Sh/dhexe.

aslahabababaBartamaha(Warsheekh):-Maamulka Xarakada Alshabaab Sh/dhexe ayaa dhaqan galiyay bandow Xalay lagu soo rogay Degmadaasi warsheekh halkaasi oo ammaan daro laga dareemay.

Ciidamada Alshabaab ayaa xalay waxa ay si rasmi ah awood ugu hirgaliyeen bandow lagu doonayay xaqiijinta ammaanka Degmadaasi Warshiikh.

Bandowga ayaa yimid ka dib markii dhalinyarada Degmada ay shalay diideen in ay u hogaansamaan amarka Xarakada Alshabaab eek u wajahan dhalinyarada iyo haweenka.

Alshabaab Warsheekh ayaa waxa ay dadka deegaanka ku amartay in ay Haweenka xertan Xijaabka raggana ay u jartaan Timha si waafaqsan shareecda.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo laga haayo madaxda Alshabaab deegaankaasi wallow dadka deegaanka ay sheegeen in xalay bandowga uu si rasmi ah u dhaqan galay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: