Bandow Xalay Balad-Weyne la saaray iyo Ammaanka oo la adkeeyay.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Xizbul Islaam ee shalay la wareegay Magaalada Balad-Weyne ayaa bandow Xalay ku soo rogay Magaaladaasi.
Ammaanka Magaalada B/Weyne ayaa Xalay si weyn lo adkeeyay iyadoo Madaxda Xizbul Islaam ay bandow ku soo rogeen dhinac bari ee Magaalada.
Bandowga ayaa Xalay waxa uu ka dhaqan galay Magaaladaasi fiidnimadii hore ee Xalay iyadoo Ciidamada Ammaanka Xizbul Islaam ay roondooyin ka wadeen Xaafadaha.
Goobihii shalay lagu dagaalamay ee duleedka Magaalada B/Weyne ayaa dagan ka dib markii CXiidamada Dowlada ay dib uga gurteen aaga dagaalka ay kula galeen Xizbul Islaam.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.