Banaanbax looga soo horjeeday Barakacinta Shacabka dagan hareeraha garoonka oo Maanta ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Banaanbax balaaran ayaa maanta ka dhacay Degmooyin ka mida Muqdisho kaasi oo looga soo horjeeday amar Dowlada ka soo baxay.
Banaanbaxa oo ay samaynayeen dadla lagu amray in ay ka guuraan hareeraha garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa manta waxa uu ka dhacay Degmooyinka ay dowlada maamusho.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay socod ku mareen wadooyin ka mida Degmooyinka Waabari iyo Wadajir iyagoo soo bandhigay dhibaatada ay ka cabanayaan.
Dadka ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaanyeen “Halkeen galnaa,…Ma badda iyo Sheekh Shariif hana daayo …iyo erayo kaleâ€.
Dadka waxa ay sheegayeen in ay la’yihiin goob ay aadaan maadama Ciidanka Dowlada ay saaka Calameeyeen dhismayaasha Xerada Afisyooni oo ay shacabka fareen in ay 24-saac uga tagaan Xeradaasi.
Dadkan Barakacayaasha ah ayaa waxa ay yihiin badankood kuwa haatan Madaafiicda ka soo qaxay wallow ay jiraan dad daganaa tan iyo burburkii dowladii dhexe.
Dhismayaasha haatan la amray in laga guuro waxaa lahaa Ciidamadii Cirka Dowladii dhexe ee Soomaaliya iyadoo dadkan ay doorbideen in ay dagaan maadaama kirada guryaha ay gaarayso in ka badan 20-$ qaolkiiba degmooyinka la jaarka ah Afisyooni.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments