Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Madaxweyne Faroole uu ka gaaray kulankii Madaxweyne Shariif oo Maanta ka dhacay Garoowe.
Bartamaha(Garoowe):-Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa maanta ka dhacay gudaha Magaalada Garoowe kaasi oo Ciidamada ay dhoola tusk u soo bandhigeen.
Boqolaal dadweyna ah ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Garoowe kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan Madaxweyne Faroole.
Banaanbaxayaasha ayaa wax ay wateen Calaamado iyo boorar ay ku qoranyihiin erayo liddi ku ah Madaxweyne Shariif balse lagu taageerayay go’aanka madaxweyne Faroole.
Dadka banaanbaxayaasha ah ayaa waxaa la hadlay la taliyaha Madaxweynaha dhanka Ciidamada Yaasiin Cismaan Dheere kaasi oo sheegay in Puntland ay la safantahay madaxweyne Faroole iyo go’aankiisa.
Waa banaanbixii ugu horeeyay ee lagu taageero go’aankii C/raxmaan Faroole oo ka dhacay Deegaanada Puntland iyadoo illaa haatan aan la ogayn hadalka uu bixin doono Madaxweynaha xiliga uu yimaado Garoowe.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments