Bam Xalay lagu tuuray Ciidamo ku sugnaa Isgosyaka Ceel-Gaab Degmada Xamar Jajab.
Bartamaha(Muqdisho):-Qarax qasaara sababay ayaa Xalay lagu tuuray Cidianka Dowlada ee ilaaliya Wadooyinka soo gala Madaxtooyda.
Koox aan la garan ayaa Xalay fiidkii waxa ay Bam nuuca gacanta ah ku tureen Ciodianka Dowlada ee daganaa Isgoyska Ceel Gaab Degmada Xamar Jajab.
Ciidamada oo ilaala ka hayay wadada Ceel gab oo ka mida wadooyinka aada dhanka Madaxtooyada ayaa waxaa qasaara uu ka soo gaaray Bam ay kooxda ku tureen.
Mid ka mida Ciidamada ayaa dhintay Laba kalana dhaawac ayaa gaaray markii Bamka uu ku dhacay meel ay Ciidamada ku sugnaayeen.
Qarax ka dib waxa ay kooxda qaraxa samaysay Bistoolado la beegsadeen Ciidamada inta ay bamka ka cararayeen taasi oo qalqal iyo rasaas badan oo dhacda sababtay.
Kooxdi qaraxa geystay ayaa isaga carartay goobya ay weerarka ku qadaeen iyadoo ay u baxsadeen dhul Howd noqday oo ku heeran Taaladii Dhagaxtuur iyo Masjidka Isbahaysiga Islaamka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments