Bam lagu tuuray gaari BL-ah gudaha Muqdisho
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxo aan la garan ayaa galabta Bamka gacanta laga tuuro la beegsaday gaari Bl- ah xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Banaadir Gudaha Muqdisho.
Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa koox aan la garan waxa ay la beegsadeen goob Boosteeja ah oo ay taagnaayeen saddex Askari iyo boqolaal shacab ah halkaasi oo uu bamka ku qabsaday gaari Bl ah oo ku sugnaa Boosteejada.
Bamka ayaa waxa ku dhintay 1-qof 5-kale oo dhammaan shacab ahna way ku dhaawacmeen wallow askari Booliis ah uu waxyeelo u sii gaystay dadkii rayidka ahaa markii qaraxa uu ka naxay rasaasna ku furay dadkii rayidka ahaa.
Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaalka Madiina waxaana goobta yimid ciidanka Dowlada oo qaaday dhaawacyada iyadoo baskii qaraxa haleelay burburkiisa uu yaalay galabta goobtii kooxda ay ku qarxisay.
Qaraxan oo kale ma aha mid ku cusub bulshada ku dhaqan dhulka dowlada maamusho waxaana la xasuustaa dad maata ah oo Miinooyin loo dhigay marar badan gudaha Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments