Calendar

Baladweyne oo Saaka laga dareemayo daganaansho aan caga badan ku taagnayn .

aagaBartamaha(Baladweyne):-Xaalada guud Ee Magaalada Baladweyne ayaa saaka laga dareemayaa daganaansho aan caga badan ku taagnayn.

Xaalada xaafado ka mida Magaalada Baladweyne ayaa saaka dagan ka dib dagaal muddo 4-cisho ah ka socanayay magaaladaasi oo u dhexeeyay AHlu sunnah iyo Xizbul Islaam.

Wararka aynu saaka ka helnay magaalada ayaa sheegaya in jawiga uu u muuqdo mida dagan wallow aan la isku halayn Karin maadaama ay labada dhinac isku horjoogaan xaafadaha mgaaladaasi.

Rasaas aan sidaa u xooganayn ayaa ka dhacaysa xaafadaha magaalada oo ay isku adeegsanayaan labada maleeshiyo oo maalmahan ku dagaalamayay baladweyne.

Dadka dagan xaafadaha dagaalada ayaa marba qeyb ay ka sii baxaysaa si aanay ugu go’doomin baladweyne oo ay isku hayaan laba koox oo aan kala adkaanayn.

Wixii warar ku aadan xaalada is badalka badan ee baladweyne www.Bartamaha.Com kala jaanqaad xilli walib wixii soo kordha.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: