Calendar

Baladweyne oo qarka u saaran in ay noqoto magaalo kala xeran sida Muqdisho.

balad-weyne2Bartamaha(Balad-Weyne):-Magaalada Baladweyne ayaa qarka u saaran in ay kala noqoto magaalo ay kala xeran sida Caasimada Muqdisho markii la kala adkaan waayay.

Magaalada Baladweyne ayaa noqotay magaalo ay ku kala adkaan la’yihiin dhinacyada Ahlu sunnah iyo Xizbul Islaam oo labada ay taak iyo tabarba isku waayeen in ay ku kala adkaadaan magaalada Baladweyne.

Magaalada ayaa hadda ah mid laba u qeybsan iyadoo Islaamiyiinta Ahlu sunnah ay joogan dhanka Bari halka Islaamiyiinta Xizbul Islaam ay ka joogan dhanka Galbeed Ee Magaalada Baladweyne.

Buundooyinka Liiq-liiqato iyo Buundaweyn ayaa magaaladaasi kala qeybinaysa markii dhinacyadaasi ay ku kala adkaan waayeen gudaha Magaalada Baladweyne oo uu dagaal ka socday muddo 5-Maalmood oo xiriir ah.

Waxaa xeran inta badan Suuqyada Magaalada,Goobaha Waxbarashada iyo Nolosha guud oo ciriiri gashay iyadoo rasaasta ay isdhaafsanayaan labadaasi koox aanay magaalada ka dhammaan oo ay isku ridayaan.

Maalin waliba qof ama laba qof ayaa dhaawac uu ka soo gaaraa rasaasta wiiftada ah ee ay maleeshiyaadka labada Koox diimeed ay isdhaafsanayaan iyadoo magaalada ay u kala xerantahay.

Xayiraadan Shacabka Baladweyne la saaray iyo dagaalkan aan dhamaadka lahayn ayaa waxa uu ku qaab yahay midka Magaalada Muqdisho ka socanaya oo aan lagu kala adkaan maalin walibana ay dad u dhintaan rasaasta labada Koox isdhaafsanayaan.

Ma jiro wax rajjo ah oo ka soo socota Baladweyne in ay noqoto Magaalo kala xeran sida Muqdisho iyadoo aanay jirin wax dagaal xoogan oo socanaya marka laga reebo rasaasta aan dhammaadka lahayn iyo diyaarsiga dhufaysyo taasi oo  muujinaysa in magaalada ay kala xeranayaan dhinacyadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: