Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo isku heesta gacan ku heynta Magaaladda Baladweyne
Bartamaha(B/weyne):-Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku wada hayeen Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo qaab ahaan isku fahmi la’aa maamulka ayaa hadda Laba dhinac kala noqotay.
Sida warku nagu soo gaarayo Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa kala qeybsantay markii shalay gabal dhicii ay burburtay Buundadii Liiqliiqato.
Buundada Liiqliiqato ayaa ahayd mid kala qeybinaysay Galbeedka iyo Bariga Baladweyne taasi oo shalay galab go’day markii uu soo maray gaari nuuca Xamuulka ah kaasi oo ay la go’day Buundadaasi.
Saaka ayaa waxaa labada dhinac ee Magaalada soo kala gaaray Ciidanka Alshabaab oo Galbeedka ka taagna Buundada iyo kuwa Xizbul Islaam oo dhanka Bari ku sugnaa kuwaasi oo dhammaan celinayay dadka doonaya in ay Biraha harsan ee Buundada ay soo maraan si ay magaalada isaga talaabaan.
Ciidanka Labada Koox ayaa kala maamulaya Magaalada labadeeda dhinac taasi oo si rasmi ah ka dhigtay Maamul Magaalada ay u qeybsantahay oo Galbeedka ay Shabaabka ka talin ayaan halka Barigana Xizbul Islaam loo daayay.
Horay waxaa aad isku qoomayay Ciidanka Labada Koox oo mid waliba uu magaalada dhinac ksta u marayay howlgalana ay ka kala samayn jireen labada dhinac ee Magaalada.
Dadka Baladweyne ayaa saaka ah kuwa u kala qeybsamay Galbeed iyo Bari iyagoo aan si fudud isugu gudbi karin Maadaama ay go’day Buundadii ugu muhi
Comments
comments