Baghadad oo Qarax ku Waabariisatay 60 Dhimasho ah iyo 125 Dhaawac ah.
Bartamaha(Baghdad)-Qof naftiise hurre ah ayaa isku qarxiyay goob lagu qorayay shakhsiyaad la doonayay in loo furo tababar si ay qeyb uga noqdaan ciidamada milatariga ee dalka ciraaq.
Goobtani ayaa markii uu qaraxa dhacayay waxaa ku sunaa ciidamo la doonayay in loo furo carbis milatari oo boqolaal gaarayay waxaana la xaqiijiyay iney ku naf waayeen 60 ruux halka 125 kalana ay ku dhaawacmeen, taasi oo noqonaysa khasaarihii ugu badnaa ee todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhaca caasimada Baghdad.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu dhacay abaarihii 7:30 subaxnimo wakhtiga Baghdad, iyadoo goobta qaraxa lagu weeraray ay ku tallo banaanka dhismihii hore ee wasaarada gaashandhiga dalka ciraaq taasi oo ay haatan ku nool yihiin ciidamada loo tababaro iney ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee dalkaasi gaar ahaana waxay goobtani xarun u tahay guutada 11aad.
Xaruntan la qarxiyay ayaa waxay todobaad walba diiwaan galisaa 250 shakhsi oo loo carbiyo iney ku biiraan milatariga dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan ciidamada amaanka dalka ciraaq oo uu shaki badan uga imaanayo sida ay ula wareegi karaan amniga guud ee dalkaasi, kadib 7 sano oo dagaal iyo jahwareer ah ayay ciidamada mareykanku waxay qorshaynayaan in guud ahaanba dalkaasi ay isaga baxaan sanadka soo socda ee 2011.
Gacmo iyo lugo ku googo’ay qarixii halkaasi loo gaystay iyo goobo ay ka muuqdaan xinjiro dhiig ahaa ayaa lagu arkayay goobta uu qaruxu ka dhacay.
Tuhunka Baabuur Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay.
Ugu yaraan labo kamida cidamada halkaasi lagu carbinaya oo ka badbaaday qaraxa ayaa wakaalada wararka ee AP u xaqiijiyay iney macquul tahay in qaraxani uu yimid kadib markii goobtaasi lagu soo weeraray gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa hase ahaatee afhayeen u hadlay milatariga ciraaq ayaa ku eedeeyay khasaaraha halkaasi ka dhacay inuu ka dambeeyay qof naftiise hure ah oo halkaasi isku qarxiyay.
Cali ibraahim oo 21 sano jir ah kana tirsan ciidamada halkaasi lagu qorayay  oo uu firir gaarsiiyay qarxii halkaasi ka dhacay ayaa yiri, anagu halkaas baynu fadhinay kadibna qof ayaa ka qayliyay baabuur meeshaas lasoo dhigay, kadibna waxaa dhacay qaraxa aniguna gadaal ayaan u dhacay, waxaana halkaan imid 3dii habeenimo oo saq dhexe si aan isugu diiwaan galiyo ciidamada tababarka loo furayo.
Ciidamadan la tababaray oo oo isugu yimid goob furan oo ku taalla Maydan Square halka lagu magacaabo ee bartamaha Baghdad iyadoo dadka loo ogolaa iney meeshaasi ka galaan labo albaab sida ay xaqiijiyeen labo sarkaal oo ka tirsan booliiska ciraaq, iyadoona sadex askari ay kamid ahaayeen dadka geeriyooday halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen falkaasi.
Gaashanle Qassim iyo Qaraxa Cidda Ka Dambaysay.
Gaashanle sare Qasim Al-Moussawi oo ah afhayeenka u hadlay milatariga dalkaasi ayaa u sheegay wakaalada AP in qaraxani ka dambeeyay ruux naftiis hure ah oo isku soo xiray walxaha qarxa, waxa uuna afhayeenkani sheegay in 39 ruux ay qaraxaasi ku nafwaayeen dhawacuna gaarayo 57 ruux, waxa uuna taliyuhu weerarkani dusha uga tuuray kooxda al qaacidda garabka dalka ciraaq isagoo sheegay in ruuxa wax qarxiyay qaarkiisa sare laga helay goobta uu falkaasi ka dhacay.
Dhinaca kalana saraakiil ka shaqeysa afar isbtitaal oo kamid isbitaalada Baghdad hadana ka gaabsaday iney sheegaan magacooda ayaa xaqiijiyay in khasaaruhu uu ka badan yahay intaasi oo gaarayo ilaa iyo in kabadan 60 ruux halku ku dhawaad 13o ruuxna ay dhaawacmeen..
Diiwaan galinta iyo carbinta ciidamada amniga dalka ciraaq ayaa sii xoogaysanaysa iyadoo xukuumada ciraaq ay doonayso iney sare u qaaddo tayada iyo tirada ciimadeeda maadama mareykanku ay bilaabayaan iney isaga baxaan guud ahaanba dalka ciraaq bishan August dabayaaqadeeda.
50 kun ee ugu horeysa ciidamada mareykanka waxay ciraaq isaga baxayaan dhamaadka bishan August, iyadoo inta ku hartana ay guud ahaanba ciraaq isaga huleeli doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2011, taasi oo ku cadayd heshiis dhinaca amaanka ah oo ay kala saxiixdeen dawladaha mareykanka iyo ciraaq.
Sare u kaca Weerarada Wax iska Caabinta.
Inkastoo xukuumaddu ay dadaalkaasi wado hadana waxaa muuqanayay in kooxaha wax iska caabintu ay kordhiyeen weerarada ay ku wiiqayaan xukuumada ciraaq iyadoo todobadaayadii ugu dambeeyayna kordhiyay weeraradooda.
Waxayna kooxaha wax iska caabintu bartilmaameedsadaan milatariga iyo booliiska ciraaq iyadoo shacbiguna ay waxyeelo aad u badan soo gaarto.
Sare u Kaca Dhimashada Dadka Reer Ciraaq.
Waayadan waxaa ciraaq ka muuqanayay qalalaase hor leh, iyadoo xog ay si wada jir ah u sii daayaan wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhiga lagu sheegay in bishii aynu soo dhaafnay ee July ay ahayd bishii ugu dhimashada badnayd tan iyo bishii May ee sanadkii 2008, waxaan la xaqiijiyay in July ay geeriyoodeen dad kabadan 500 qof.
Bishan August oo ay muslimiinta caalamku bilaabeen soomitaanka bisha barakaysan ee Ramadan ayaa waxay u muuqataa iney sii kordhayaan weeraradu iyadoo bam lagu xiray matoor bixiya korontada bishan August 7 ay ku geeriyoodeen 43 ruux bartamaha magaalada Basra oo ah caasimada 2aad ee dalka ciraaq.
Chief Editor: Cabdiqafaar Shire.
Bartamaha.
Comments
comments