Badweynta India oo ku fatahday Xaafado ka mida Magaalada Kismaayo.
Bartamaha(Kismaayo):-Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku fatahay Badda Hindiya taasi oo qasaara ka soo gaaray dadkii daganaa Xaafadaha Magaaladaasi.
Badweynta Hindiya ayaa waxay ku fatahday xaafada Farjanno ee Magaalada Kismaayo ioyo deegaanop kale oo ay ka geysatay qasaara xoogan oo isugu jira burbur iyo dhaawacyo dad gaaray.
Biyaha Badda ayaa waxa ay dageen dhismayaasha magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadaha u dhow Xeebta Magaaladaasi oo ay ka burburiyeen dhismayaal badan oo ku yala Xaafadahaasi.
Fatahaada oo aan dhawanahan la arkin ayaa waxa ay dumisay in ka badan 30-guri oo ku yaalay Kismaayo iyadoo hanti badan baa-bi’isay oo ay halis badan galisay dadka magaalada ku nool.
Cabsi ayaa Xalay oo dhan ka jirtay Kismaayo markii shalay gabal dhicii ay Biyaha galeen xaafadaha Farjanno iyo Towfiiq oo ka mida Kismaayo.
Fatahaada aya waxa ay ahayd tii ugu ba’nayd ee ka dhacda Kismaayo muddo 50-Sano ah waxaana dad badan ay bilaabeen in ay ka fogaadaan Xeebta Magaalada Kismaayo si aanay waxyeela uga soo gaarin fatahaada badda ay samaynayso.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments