Calendar

Baasto “Puntland waxa ay laysay dad reer Miyi ah…”.

Galmudug_mapBartamaha (Gaal-kacyo):- Maamulka Gal Mudug ayaa Puntland dusha ka saartay masuuliyada dad reer miyi ah oo la laayay.

Axmed Baasto oo ah Afhayeenka labaad Ee Gal Mudug ayaa daaha ka qaaday in Dowlada Puntland ay laysay dad reer Miyi ah oo qaab qabiil ahaan u dagaalamayay.

Axamed Baasto oo maanta warfidiyeenada kula hadlayay Gaalkacyo ayaa waxa uu cadeeyay in ay dishay Puntland dad ku dhow 20-ruux oo qaab qabiil ahaan ay ugu laydan deegaan ka mida miyiga Gaalkacyo.

“Puntland waxa ay laysay dad reer Miyi ah…anagaa xaqiijinay oo ciidan libisan ayaa laayay dadkan oo qaab qabiil ahaan ula dagaalamay….aad ayaan uga xunahay dhibkaasi oo Puntland ay si cad u gaysatay…” ayuu yiri Masuulkan.

Maamulka Gal Mudug waxa uu sheegay in Puntland ay fure u noqotay colaad dib u soo cusboonaatay maadaama dad qabiil ah ay laysay taasina ay sabab u tahay in dagaal beeleed weji cusub yeesha uu bilowdo.

Axmed Baasto afhayeenka Gal Mudug waxa uu ka digay sii socoshada Colaada waxaana uu Puntland ka dalbaday in ay magdhow ka bixiso dadkii ay laysay oo ah kuwa loo haysto Dowladaasi.

Gal Mudug ayaa walaac ka muujisay ammaan daro ka dilaaci karta gudaha Magaalooyinka ay wadaagaan Puntland iyo Gal Mudug dadka ka soo jeeda maadaama Miyiga lagu laayay dad ka soo jeeda Konfurta Gaalkacyo.

Shalay waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacay banaanbax Colaad doon ah oo ay samaynayeen dadweyne ka carooday dad lagu laayay Miyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolkaasi Mudug.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: