Baarlamanka oo maanta buuq hareeyay iyo Xukumada oo la riday.
Bartamaha(Muqdisho):-kulankii Baarlamanka ayaa maanta buuq hareeyay iyadoo Xildhibaanada ay sameeyeen Banaanbax la yaab leh..
Xildhibaanada Baarlamanka ee diidanaa siyaasada Aadan Madoobe iyo sii haynta Xilka Gudoomiyanimo ayaa waxa ay sameeyeen Buuq iyo Sawaxan markii uu soo galay Gudoomiyaha.
Goobta ayaa noqonatay Fagaare Banaanbax uu ka socanayo waxaana Kuraasta Madaxa saartay Xildhibaanada diidanaa Sheekh Aadan Madoobe kuwaasi oo Amsiom ciidamadooda ay ku qasbeen in ay dhigaan Kuraasta.
Waxaa la arkayay xildhibaano shaararka iska siibay oo qeylinaya kuwaasi oo aad moodo in ay ciyaar daawanayeen ka dibna Kooxdooda laga raayay iyadoo saxaafada intaasi oo dhan ay daawanayeen.
Saraakiisha ammaanka ayaa dibada u saartay Saxaafada waxaana goobta ay noqotay mid qeylada ay sii badatay wallow aan la ogayn waxa ka socanayay gudaha marka laga reebo dhawaqa iyo qeylada la mqlayay.
Ugu dambayntii shirkaasi waa lagu kala dareeray waxaana shirjaraa’id qabtay Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in Xukumada ay dhacday.
Sheekh Aadan Madoobe waxa uu sheegay in Cod la qaaday islamarkaana xkalsoonida lagala noqday Xukumada Ra’iisul Wasaare Sharma’arke markii Xildhibaanada ay dalbadeen in Cod la qaado.
Xuukumada waxaa diiday oo u codeeyay in laga saaro goobta illaa 280-Mudane waxaana ka gaabsaday 8-xildhibaan iyadoo 30-Mudane ayt taageereen Xukumada.
Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay Natiijadana ka dhigay in Xukumada la riday oo looga baahanyahay madaxweynaha in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo dalka ka shaqeyn kara.
Weli waxaa mugdi ku jira sida loogu kalsoonaan karo hadalka Gudoomiyaha Maadaama xarunta shirka uu ka dhacayay dibada looga saaray Saxaafada oo aanay arkaynin qaabka Codaynta u dhacday.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Soamlia
Comments
comments