Baarlamanka oo loo qeybiyay Miisaaniyad sanadeed
Bartamaha (Muqdisho):- Baarlamanka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2011 ka si ay u soo akhriyaan ka dibna ay uga doodaan.
Waxaa maanta la helay Kooramkii Baarlamanka oo muddo aan la arkin waxaana si buuxda u soo xaadiray Hoolka Shirarka Baralamanka xildhibaano buuxiyay Kooramkii loo baahnaa kuwaasi oo loo qeybiyay Waraaqo ay xukumada soo diyaarisay.
Xukumada ayaa qoraalo ku filan Xildhibaanada soo diyaariyay kuwaasi oo ay ku soo bandhigayeen Miisaaniyad Sanadeedka 2011-ka ay ku shaqeyn lahayd Xukumada cusub ee 9-ka bil la filayo in ay sharci ahaan jirto.
Xildhibaanada ayaa qaatay qoraaladii waxaana shirka Baarlamanka furay oo daqiiqada ka dibna xeray Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mudanayaasha u sheegay in qoraalada ay soo akhriyaan ka dibna maalinta Sabtida ah laga doodi doono.
Hadaba la arki doonee qaabka ay xukumada ugu guulaysato in ay codka kalsoonida la siiyo Miisaaniyada sanadka soo socda oo hadda Baarlamanka horyaala xilli la xasuusto buuqii la soo mariyay ansixinta Xukumada iyo Ra’iisul Wasaaraha intaba.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments