Baarlamanka oo cod u qaadaya Xukumada Cusub.
Bartamaha (Muqdisho):- Sida wararka naga soo gaaraya Muqdisho aynu ku helayno waxaa socanaya qorshe maanta Xukumada Cusub loogu qaadayo Codka Kalsoonida.
Mudanayaasha Baarlamanka ayaa buuxiyay guriga Umada halkaasi oo xarun u ah Baarlamanka iyagoo maanta doonaya in codka Kalsoonida loo qaado Xukumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Framaajo .
Xildhibaanada ayaa saaka xilli hore gaaray guriga Umada waxaana ay yeelanayeen kulamo gaar gaar ah oo ay si gaar ah isku arkayaan mudanayasha isku fikirka ah waxaana laga baqanayaa in abaabul siyaasadeed oo culus ay saaka xilli hore sii agaasinteen mudanayaasha.
Mudanayaasha oo qaarkood Buuqa iyo sawaxanka ku caan noqdeen ayaa waxaa laga baqanaya in ay qalalaaso ka sameeyaan gudaha Hoolka xiliga uu gudoomiyaha baarlamanka dalbado in codka Kalsoonida loo qaado xukumada.
Kulanka ayaa weli aan toos u furmin waxaana Xildhibaanada Baarlamanka ay yihiin kuwa weli ku kala fikir duwanaa in codka loo qaadayo xukumada uu Gacan taag noqdo halka qaar ay doonayaan in si sir ah loogu qaado codka.
Wixii ku soo kordha abaabulka socanaya iyo Baarlamanka laga baqanayo in ay is garaan kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments