Baarlamanka KMG ah oo maanta mar kale shiray.
Bartamaha(Muqdisho):-Baarlamanka KMG ah ayaa maanta mar kale shir ka yeeshay Xeer hoosaadkii Baarlamanka oo maanta laga doodayay.
Xildhibaanada Golaha Baarlamanka KMG ah ayaa maanta mar kale ka shirayay  xeer hoosaadka Baarlamanka oo haatan dib loo diyaarinayo taasi oo dood badan ay maanta ka yeelanayeen xildhibaanada Baarlamnka.
Kulankla maanta oo uu shir gudominayay Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo xildhibaanada u qeybinayay hadalka ay ka dhiibanayeen xeer hoosaadka guud ee Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.
Xildhibaano badan oo hadal ka dhiibanayay shirka maanta ayaa waxa ay dhaliileen qaab dhisimeedka guud ee baarlamanka kmg ah oo aan muddo lahayn wax sharci hoosaad ah taasi oo isku dhac badan sababtay.
Xildhibaanada oo gaarayay 220-Mudane ayaa waxa ay dhamaan isku raaceen in la sii wado dhjismaha gudiga ilaalinta Xeer hoosaadka guud ee baarlamanka kmg ah oo aan muddo lagu dhaqmin sharci Hoosaadka Baarlamanka kmg ah ee Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments