Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray wasiirka arrimaha gudaha
Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka arrimaha gudaha si su’aalo loo waydiiyo.
Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsaday inuu baarlamaanka horyimaado kadib markii ay soo kordheen weerarada ka dhacaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaana xildhibaanadu ay sheegeen in cambaarayn kaliya aan loo baahnayn ee soo noqnoqoshada ammaan darrada Muqdisho ay kula xisaabtami doonaan cidda ay khusayso oo aah wasiirka arrimaha gudaha oo laga doonayo inuu soo celiyo ammaanka dalka.
Xildhibaanada ay kalfadhigoodii koowaad ee dhammaaday su’aalo ku waydiiyay qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumada oo ay kamid yihiin Ra’iisul waasaraaha, wasiirka difaaca iyo wasiirka arrimaha gudaha.
C/kariim Xusseen Guuleed ayaa la filayaa inuu baarlamaanka hortago maalmaha soo socda.
Comments
comments