Baarlamaanka Soomaaliya oo u fariistay kalfadhigiisii saddexaad
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale dib u bilaabay hawlahooda shaqo kadib markii ay in muddo ah fasax bannaanka ugu maqnaayeen.
Gudoomiya baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaarii ayaa furay kalfadhiga saddexaad ee golaha shacabka Soomaaliya iyadoo lagu wado inay ka doodaan qaar kamid ah hindisayaasha ay xukuumadu u soo gudbisay.
Waxaana xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxooda bil kali ah maadaama labadii bilood ee loogu talagalay uu bil kamid ah ka codsaday inay shaqeeyaan madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo sheegay in hawlaha u yaalla xukuumadu ay farabadanyihiin isla markaana baarlamaanku laga doonayo inay shaqeeyaan bil dheeraad ah.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.