Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyay in la siiyo xaqii ka maqnaa xildhibaanadii hore ee KMG ahaa
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ku meel mariyay in gudoonka baarlamaanka ee haatan jira ay dadaal u galaan sidii loo siin lahaa xaqii ka maqnaa xildhibaanadii hore ee DKMG ahayd ee wakhtigeedu dhammaaday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaarii oo cod u galiyay dalabkaan oo ay soo jeediyeen xubno ka tirsan baarlamaanka oo sheegay in ay jiraan xildhibaano hore oo ku rafaadsan waddanka gudhihiisa kuwaasoo qaarkood aan mushaaraadkoodii la siinin muddo sannado ah oo ay ku jireen dawladii KMG ahayd.
Waxayna dhammaan xildhibaanadii goobta joogtay isku raaceen in la xaal mariyo xildhibaanadaas oo ay sheegeen inay xaq ku leeyihiin dalka, maadaama ay u soo shaqeeyeen dalka marxalad adag.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.