Baarlamaanka oo diidmo ugu codeeyay sharciga Gardoon ee xukuumadu soo gudbisay
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday hindise-sharciyeedka Gar-doon oo ay soo gudbisay wasaarada cadaalad, owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay inta badan mudanayaashu u codeeyeen diidmada sharcigan.
Sharcigan ayaa waxay ka doodayeen xildhibaannada baarlamaanka labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo mudanayaasha qaarkood ay sheegeen inaysan garanayn macnaha dhabta ah ee sharcigan.
Guddoomiyaha guddiga cadaalada iyo garsoorka baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Sadiiq ayaa intii aan sharcigan codka loo qaadin u akhriyay xubnaha baarlamaanka qodobbo ka mid ah sharcigan oo ay isbedel ku sameeyeen.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.