Baarlamaanka oo codsaday in si deg deg loo horkeeno xukuumadda Cusub
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlayay xafladda lagu magacaabayay golaha wasiirada ee cusub ayaa u hambalyeeyay wasiiradda cusub ee la magacabaay
Prof. Jawaari ayaa sheegay iney muhiim tahay in si deg deg ah baarlamaanka loo horgeeyo xukuumadda cusub inta ka horeyso 17-bishan si ay baarlamaanka u siiyaan codka kalsoonida.
Gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu xusay iney jirto howlo faro badan oo horyaala xukuumadda isagoona kula dardaarmay iney u shaqeyaan dadka iyo dalka si ay uga saaraan marxaladda adag eek u dheeradeen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax aka jiro guux xoogan iyadoona qaar kamid ah xildhibaanadda baarlamaanka ay suluugsan yihiin in beelahooda lagu qadiyay golaha wasiiradda ayna ka imaan karto caqabad xoogan.
Comments
comments