Baarlamaanka oo ansixiyey xeer-hoosaadyo
Baarlamaanka Soomaaliya oomaanta kulan iskugu yimaaday ayaa ansixyey xeer-hoosaadka uu yeelanayo baarlamaanka.
Kulanka ayaa waaxa kazoo qeyb galay 188-xubnood oo kamid ah xubnaha baarlamaanka iyadoona uu shir gudoominayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay inuu xeer-hoosaadkaan uu muhiim u yahay sidii baarlamaanka u shaqeyn lahaa.
Xubnaha baarlamaanka ayaa si fartaag ah ugu codeyay xeer-hoosaadka cusub oo ka koobaann 11-cutub, iyadoona cutub kasta si gaar ah codka loogu qaaday.
Xildhibaan Sooyaan Cusmaan Cabdi oo ka mid ah xildhibanada baarlamaanka sida wayn ugu doodayay in baarlamaanka Soomaaliya uu helo xeer-hoosaad ayaa sheegay iney wax lagu farxo tahay in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan xeer-hoosaadka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo joogta yeelanayo iyadoona ay la horyaaliin shuruuc badan oo iney soo dhameystiraan laga rabo.
Comments
comments