Baarlamaanka Australiya oo Ku socda Midaanan Lagu Kala badneyn 60 Sano Kadib
Bartamaha (Australia) Dalka Australiya, waxaa isa soo taraya dareenka iyo macquul ahanshaha laga muujinayo in doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay ay noqodaan kuwo aad isugu dhaw.
Gabdha dalkaasi RW ka ah ee lagu magacaabo Juuliya Jilaardi ayaa maanta sheegtay iney sii hayn doonto xilka ra’iisul wasaaranimo, tan iyo inta la ogaanayo natiijada rasmiga ah ee aksoo baxda doorashooyinka dalkaasi.
Rw Jilaardi oo ka hadlaysay Magaalada Melboon ayaa u sheegtay taagerayaasheeda iney wali socoto cod bixinta iyadoona wali lagu dhawaaqin cidda ku guulaystay kuraasta qaar, iyadoo natiijadaasina ay go;aamin doonto cidda ku hor marta doorashooyinka dalka Australia.
Dhinaca kalana siyaasiga Toni Abot, oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaardka ayaa ugu riyaaqsan natiijooyinka ka soo baxaya doorashooyinka dalka australiya.
Siyaasigan oo ka hadalayay magaalada Sydney ayaa sheegay iney tahay wakhtigii ay ka mahad naqi lahaayeen horumarada dhinaca codbixinta iisagoo sheegay iney la dhac san yihiin qaabka ay wax u socdaan.
Qiyaastii 75% codaddka doorashooyinka Australiya ayaa la shaaciyay in la xisaabin doono ilaa iyo saq dhexe ee caawa, iyadoo ilaa iyo haddana aysan muuqan xisbi si weyn ugu guulaysan kara doorashadaasi.
Siyaasi kamida xisbiga mucaaradka oo lagu magacabo Nick ayaa sheegay iney u badan tahay in baarlamaanka Australia uu noqdo mid aanan lagu kala badnayn oo ay xisbiyadu aad isugu dhawaadaan oo golaha sharci dejinta dalkaasi uu noqdo Hung Parliament oo uu micnaheedu yahay baarlamaan uusan xisbina haysan aqlabiyadiisa, iyadoo sanadkii 1940 ay ugu dambeysay barlamaan aanan lagu kala badnayn dalka Australia.
Bartamaha.
International News Desk.
Comments
comments