Baaritaano Xoogan oo Booliiska Dowlada ka wadaan Degmooyinka Waabari iyo Xamar-Jajab.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa bilaabay howlo baaritaana ah iyadoo dad badan gawaarida Blka ah lagala dagay gudaha Degmooyinkaasi.
Ciidamo Booliiska ka mida ayaa xeray dhammaan wadooyinka Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari iyadoo ay wadaan howlo baaritaana ah oo ay gaadiidka iyo dadka socotada ah ku samaynayaan.
Dad badan ayay Ciidamada Booliiska gawaarida kala dageen kuwaasi oo lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin Islaamiyiinta Mucaaradka sida ay Ciidamada ku dhawaaqayeen xiliga lala dagayay Dadkaasi.
Wadooyinka baaritaanka uu ka socanaya ayaa waxaa xeray Ciidamada iyadoo gaadiidka Bl-ka ah uu gaabis ku yimid oo aanay jirin wax gawaari ka shaqeynaysa wadooyinka Xamar Jajab iyo Waabari.
Howlgalka Baaritaanka ayaa waxa uu yahay mid xoogan iyadoo illaa barqanimadii maanta ay Ciidamada wadeen qabqabashada iyo gawaarida oo ay kala dagayaan dhalinyada ay ka shakiyaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments