Calendar

Baaq ay soo saareen odayaal dhaqameedka deegaanka Haylaan oo ku aadan colaada ka aloosan degmada Galgala ee gobolka Bari.

fadhiga_shirka[1]Waxaa maanta oo taariikhdu tahay August, 20, 2010 kusoo gabagaboobey magaala madaxda gobolka Heylaan ee Dhahar shirar maalmahanba u socday dhamaan cuqaasha iyo waxgaradka gobollada Haylaan iyo Galbeedka Bari, waxaana laga wada hadlay xaalada deegaanka oo ay ugu horeyso arinta beryahanba ka taagnayd deegaanka Galgala.

Hadaba markay arkeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Haylaan iyo Galbeed Bari dhibaatada lagu hayo dadka iyo deegaanka Galbeedka Bari,  markii ay arkeen  dagaalka qaawan uu maamulka Puntland ku qaaday dhulkaa islamarkaana ay abuureen dacaayad ka dhan ah deegaanka iyagoo ku eedeeyey argagixisanimo, isla markaana ay ku gacansayreen odayaashii isu xilsaaray inay arintan wada hadal ku dhameeyaan

Dagaalkan oo uu ka dhashay barakac dad shacab ah, dhul iyo beero lagubey iyagoo ay dadka ku dhaqan deegaanka galbeedka Bari ahaayeen beeralay iyo xijiyeysato, sidoo kale waxaa jirta bililiqo loo geystey deegaanka oo ay dowladu tiri waan soo celineynaa hantida la bililiqeystey oo aan ilaa iyo haatan waxba la soo celin. Dhibaatadan ayaa waxaa ugu weyn barakaca ay dhalisey oo ilaa hada yaacsan gobolada Haylaan,Sanaag  iyo Bari.

Hadaba odaayasha  iyo  waxgaradka shirkan soconaayay shanta maalmood waxay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:

1)      In si degdeg ah ay maamulka Puntland ciidankooda ugala soo baxaan deegaanka ay mar la’aanta ku galeen ee galbeedka gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Galgala iyo tuulooyinka ku dhow;

2)      In arinta loo daayo odayaasha beesha ay iyagu kalsooni ku qaba in ay xal nabad ah keeni karaan;

3)      Waxaanu ugu baaqaynaa waxgaradka Puntland iyo mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan in ay arintan soo dhexgalaan oo ay ka hortagaan colaad sokeeye ka dhacda gobolka taas oo cid walba saameyn karta;

4)      Waxaan ka digaynaa hadii baaqa odayaasha iyo waxgaradka aan la tixgelin ay arintani wajiya kale yeelan doonto sida ugu dhaqsaha badan, wixii cawaaqib xumo ka dhalata arintaa iyo masuuliyeedeeda qaadayaan maamulka Puntland gaar ahaan madaxda sare ee maamulka.

Baqaana waxaa saxiisay waxgaradka iyo odayaasha kala ah:

 

  1. Nabadoon Cabdi Cali Faarax
  2. Nabadon Saxardiid Cali Cumar (Dhawaaq)
  3. Nabadon Mahdi Daahir Aadan
  4. Nabadon Saleebaan Siciid Xaaji
  5. Nabadon Cisman Maxamed Maxamud
  6. Nabadoon Guray C/laahi Maxamed Xassan
  7. Caaqil Cali Kilwe Cismaan
  8. Caaqil C/laahi Khaalid Cismaan
  9. Dr. Garas Yuusuf Shire
  10. Aqoonyahan Cabdi Xaaji Maxamed
  11. Aqon. Bashiir Faarax Maxamud
  12. Aqon.Maxamud Yusuf Maxamed
  13. Aq.Yasin Jaamac Maxamed
  14. Aqon.Maxamed Salaad Faarax
  15. Maxamed C/laahi Faarax
  16. Aqon. Maxamud Maxamed Daad
  17. Eng Maxamed Cise Yusuf
  18. Aqon. Jaamac  Maxamud Gabayre
  19. Eng. Guray Cisman Samatar
  20. Guurti Dibad Faarax Maxamed
  21. Guurti Nuur Maxamed Saalax
  22. Guurti Jaamac Faarax Aadan
  23. Aqon. khaalid Cise Siciid
  24. Guurti Mursal Maxamed Cartan
  25. Guurti Cumar Cartan Faarax
  26. Guurti Axmed C/laahi Faarax

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: