Baabur laga dhacay Kenya oo loo celiyay.
Xuduuda Kenya iyo Somaliya
Dowlada wadanka Kenya ayaa dib loogu soo celiyay gaari hore looga dhacay wadankeda.
Baabuurka la dhacay oo kooxo dabley Somali ay ka watayn magalada Mandere ee xuduudka la leh wadanka Somaliya ayaa dib ugu soo celiyeen maamulka degmada Buula xaawo ee gobolka Gado.
Kulan ay wada qaatayn labada maamul ee degmooyinka ayaa dib gacanta loogu galiyay maamulka Mandheera gaariga laga soo dhacay magaladooda oo gacanta ay kusoo dhigeyn maaulka Baladxaawo.
Kooxihii burcada ee soo dhacay gaariga ayaa iminka gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab oo ka talisa deeganadaas, xuduuda la leh wadanka Kenya.
Maamulka Mandheera ee wadanka Kenya ayaa ugu mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee mujiyeen maamulka Baladxaawo kuwaas oo dib ugu soo celiyay gaari deeganadoda laga soo dhacay, iyagoona sheegay inay wada shaqeyn yeelan doonan.
Mohamed Abdi Nur Mascud
Comments
comments