Ayraboorka Aadan Cadde oo la xiray kadib burburkii diyaarada
Guud ahaanba shaqooyinkii kala duwanaa ee ka socday ayraboorka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa la hakiyay kadib markii ay halkaas ku burburtay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo hub u siday ciidamada AMISOM.
Diyaarada ayaa gubatay markii ay fariisanaysay, iyadoo ilaa iyo haddana la ogayn sababta keentay in diyaaradu olosho.
Maamulka ayraboorka ayaa sheegay inay go’aankan xiritaanka ayraboorka ay qaateen kadib markay arkeen in burburka diyaaradu saamayn ku yeelanayo diyuuradaha soo dagaya iyo kuwa ka kacaya ayraboorka caalaamiga ah ee Aadan Cadde.
Goob joogayaal ku sugan ayraboorka ayaa sheegay in dabkii diyaarada burburtay ka dhashay uu keenay qiiq iyo uuro is qabsatay ayraboorka, oo laga arkay inta badan caasimada Muqdisho.
Comments
comments