Axmed Madoobe oo sheegay in wadahallo u bilowdeen maamulkiisa iyo dawlada dhexe
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo bilow ah oo dhexmaray iyaga iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaana uu markii ugu horreysay shaaciyay in labada dhinac isku afgarteen in khilaafaadka taagan lagu dhammeeyo wadaxaajood.
Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inay guul ku soo dhammaadeen wadahadalo dhexmaray xubno ka tirsan maamulkiisa iyo wafdi matalayay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaana maalmihii ugu dambaysay ka soconayay Kismaayo kulamo looga wada tashanayo sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad uu yeesho maamulka Jubbaland.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.