Axmed Godane oo qiray in uu ka badbaaday isku day dil.
Bartamaha (Muqdisho):- Hoggaamiyaha Kooxda Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa qiray in uu ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa.
Sida uu qoray Wargayska TIME waxaa ka hadlay weerar diyaarad aan la aqoon halka laga leeyahay ay la beegsatay saraakiil sare oo ku shirayay Magaalada Marka.
Bishii dhamaatay
26-keedii ayaa diyaarad aan la aqoon waxa ay madaafiic la beegsatay gri ay shirk u lahaayeen saraakiisha ugu saraysa Ururka shabaabka.
Wargeyska THE TIME ayaa waxa uu daabacay in Hoggaamiyaha Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargayska islamarkaana uu cadeeyay in uu ka badbaaday isku dayga dilka.
Godane ayaa wargayska u sheegay in uu ogdaya diyuurada dhawaqeeda iyo rasaasta ay la beegsanaysay guriga ka dibna ay isaga carareen guriga isaga iyo saraakiil kale.
Diyuurada ayaa muddo yar oo 20-daqiiqa ah dul meeraysanaysa hawada Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose iyadoo muddo yar dabadeed rasaas culus guriga la beegsatay.
Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa wargayska uu sheegay in ay waydiiyeen waxa uu ku saabsanaa Shirka ka socday Guriga la duqeeyay waxa uu ku gaabsaday in khilaaf taagnaa la xalinayay islamarkaana la isku keenay isaga iyo Mukhtaar Roobow.
Wargeyska Time ayaa sheegay in Ina Godane uu ka diiday muujinta qasaaraha soo gaaray balse waxa uu ku gaabsaday in uu nool yahay kana badbaaday qorshahaasi.
Wargayska ayaa u muuqanayay mid soo tabinaya wararka laga hadal haayay magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose bale waxaa Bartamaha Media uu warka duqeynta iyo raga lala beegsaday uu soo gaaray muddo ka dib dhacdada.
Lama garanayo sida ay ku heleen Wargayskaasi Xiriirka wadaadka Hogaamiya Kooxda Shabaabka iyadoo sargaalkaasi uu yahay ninka ugu dhuumaalaysiga badan alshabaab ka dib markii duqeyn lagu dilay ninkii aas aasaha u ahaa Alshabaab ee lagu magacaabi jiray Aadan Ceyrow.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments