Calendar

Axmed Godane oo fariin dhaliil iyo dardaaran ah u jeediyay Kooxdiisa Shabaab

godane shabaabBartamaha (Muqdisho):- Horjoogaha ugu sareeya Maleeshiyada Alshabaab ayaa soo diray Fariin maqal ah oo uu ku dhaliilayay Maamulada Kooxdiisa iyo ragga madaxda ah qaarkood oo uu dardaaran iyo dhaliil isku raaciyay.

Axmed Cabdi Godane waa Hogaanka Kooxda Alshabaab waxa uuna soo saaray fariin Cod ah oo uu kula hadlayay Madaxda Gobolada Alshabaab ay maamusho oo uu u sheegayay in ay Alle u laabtaan oo ay dhowraan Cadaalada iyo dhaqanka wanaagsan.

Horjooge Godane waxa uu intaasi ku daray in looga baahan yahay Madaxda Gobolada in aanay dadka diinta Islaamka nacsiin islamarkaana ay dhowraan dhaqan wanaagsa shareecada Islaamka islamarkaana aanay dadka ku colaadin diinta Islaamka.

“Cid kasta oo dadka wanaaga ugu baaqda oo aan ku dhaqmin waa Eedeysan yihiin ….Diinta waa Nasiixo waxaana kula talinaynaa walaalaha Gobolada in aanay dadka u horseedin in ay diinta ka cararaan oo ay Col la noqdaan diinta …waa in Dadka Cadaadal lagula dhaqmaa…” ayuu yiri Amiirka Shabaab.

Hadalka Hogaamiyaha Maleeshiyada Shabaab ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo Maleeshiyadiisa iyo madaxdooda dhaliilay isaga oo tusaale cad u noqday in qaladaad badan ay galaan Madaxda Iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Hogaamiya hadalkiisa ayaa imaanaya xilli dadka ay iska naceen Alshabaab iyada oo ay kordheen dadka isaga cararaya Kooxdaasi iyo dhaqamada qaabka daran ee Kooxda sida Dilka,Gowracida iyo Cabsi galinta joogtada ah ee dhalinyarada lagu qasbayo ka qeybgalka dagaalada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: