Calendar

Axmed Godane:- “Reer Galbeed ayaa gadaal ka riixaya Doorashada Somaliland”

alshabaab1

Bartamaha (Muqdisho):- Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab Axmed Cabi Godane balse magaca Sheekh Mukhtar Abu Zubeyr loo yaqaan ayaa digniin u diray shacabka Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan Dowladda la magac baxday Somaliland oo dhawaan doorashooyinka ay ka dhici doonaan.

Fariintan uu Axmed Godane ayaa ku soo beegmeeysa Xilli June 26, 2010 la filayo in ay Doorashooyin ka dhacaan Somaliland inkastoo aan la ogeen in Al-shabaab ay rabshado ka geesan doonaan Doorashooyinkan Somaliland dhawaan ka dhici doona waloow uu Axmed Godane ku tilmamay doorashada Somaliland mid ay dagaal ka riixayaan Reer Galbeedka.

“Dimuqraadiyadu waa shey Alle sokadii dadka ka dhigaya Arbaab wax jideeya oo wax sharciyeeya oo looga leexnayo jidka Alle”, ayu yiri Axmed Godane.

Fariitan Axmed Godane uu fariinta ugu diro shacabka reer Somaliland ayaa lagu soo bandhigay Shabakat internet-ka ay ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah iyadoo mudo 20 daqiiqo ah ay socotay.

Axmed Godane oo shacabka reer Somaliland la hadlayay ayaa yiri “Waxaan shacabka Muslimiinta uga digeynaa inay ka fogaadaan meesha lagu hayo waxyaabaha sida doorashada iyo dimuqraadiyada. Sudoo kale waa in dadka Muslimiintu la dagaalamaan af iyo adinba waxyaabahaasi.

Intii ay socotay fariinta Axmed Godane waxa uu iska dhoraayay in uu isticmaalo erayo ay ku jiraan Maamulka Somaliland iyadoo Axmed Godane oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobaladda Waqooyi ee haatan la baxay Somaliland.

Qarax sanadkii 2008 ka dhacay Magaaladda Hargeeysa ayaa la aamisanyahay in ay ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab balse iyagu ka sheekan in ay falkaas geesteen.

——————–
Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Bartamaha ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: