Axmed diiriye:” Waa in la horkeenaa cadaalada askartii AMISON ay geysatay kufsiga”
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo la hadlay bahda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Haweney Soomaaliyeed u qafaalaan Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya ee AMISOM uuna ku tilmaamay arrintaasi inay tahay Nasiib darro Umadda soomaaliyeed ku soo korartay.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Dowladda iyo kuwa AMISOM ugu baaqay in Cadaalada la horkeeno Askartii ka dambeysay falka Kufsiga ahaa hadii ay ku cadaato waxaana uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay ku joogto rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed hadii Umadda Soomaaliyeed ay ka soo horjeystaanna aysan sii joogi doonin Dalka Soomaaliya.
Hadalkan ka soo yeeray Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa uu imaanayaa xili Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guddi isku dhaf ah ay u wada saareen barista arrintan Kufsiga ah oo loo gaystay Haweneyda Soomaaliyeed oo sida la sheegay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku kufsadeen Xerada Maslax ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Comments
comments