Calendar

Axmed Diiriye “In gurigooda laga qaxiyay ayaa hadana qarax laga daba geeyay war bal waxaas…..”.

axmed-diiriye1Bartamaha(Muqdisho):-Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mida Odayaasha Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali afhayeenka golaha dhaqanka iyo Beelaha Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhammaan soomaalida dagan Kampala ay baqdin ku noolyihiin haatan ka dib qaraxyii ka dhacay Kampala.

“In gurigooda laga qaxiyay ayaa hadana qarax laga daba geeyay war bal waxaa bal ma diinaa war Umada haloo naxo ooh ala daayo dhibaatada shacabka soomalaiyeed meel walbay u qaxeen..” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Nabadoonka ayaa dhaliilay Kooxda qaraxa ka samaysay Kampala isagoo ugu baaqay Dowlada Ugandha in ay dhowraan shacabka Soomaaliyeed ee u qaxay Kamoala.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: