Author Archives: shakra

Ciidamada dowlada KMG oo si buuxda ul wareegay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo

Wararka naga soo garaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlusuna ay sacado ka hor la wareegeen gacan ku heynta gabi ahaanba  degmada Beledxaawo,iyagoona la sheegay inay kula wareegeen dagalo ay saakay ku … read more »

Posted in Wararka Maanta | 2 Comments

Faah faahin dagaalo saakay ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya fah faahino dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo culus oo saakay  ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmahii dhawaa noqotay goob dagaal. Dagaalka saakay ayaa waxaa la sheegayaa inuu geystay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dowlada KMG Soomaaliya oo wado qorshayaal ay shacabka Muqdisho ku garab istaagayaan ciidamadeeda

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay inay haatan wadaan qorshayaal ay ka mid yahiin sidii shacabka Muqdisho ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada dowlada KMG ee dagaalka kula jirta Alshabaab. Ra’iisul wasaaraha oo wareysi gaar ah … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Soomaalida ku nool Liibiya oo bilaabay inay isaga baxaan dalkaasi

Wararka naga soo gaaraya Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaya in Somaalidii ku nooleeed guud ahaan dalka Liibiya ay bilaabeen sidii ay ugu bixi lahaayeen dalkaasi oo ay ugu badbaadi lahaayeen rabshadaha  iyo dagaalada ka socda dalkaasi. Wararka ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Shirweyne lagu taageeraya dagaalada ay ciidamada dowlada kula iraan Alshabaab oo maanta Muqdisho ka dhacay

Waxaa saacado ka hor hoteelka Ambasador ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay shir weyne looga hadlayay sidii loo taageeri lahaa howlgalada nabad sugida oo magaalada ka wadaan ciidmada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom. Shirkaani ayaa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Labo Nin Mareykan ah oo Alshabaab ku biiri lahaa oo xabsi’daain lagu xukumay

Maxkamada ku taala gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag ku riday labo nin oo la sheegay inay qorsheenayeen inay ku biraan kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya. Maxamed Maxamuud Alessa oo 21-sano ji ah iyo Carlos Eduard Almonte … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dagaalo mar kale saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa saakay dib ugu qarxay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo culus oo is weydaarsanayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabasanaya kuwa AMISOM iyo  Al Shabaab,iyadoona uu dagaalkaani ka dhacay degmooyinka  Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Askar ka tirsan Ururrka Ahlu-Sunna oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday dalka Itoobiya oo maanta dib ugu soo laabtay gobolka Galgaduud

Waxaa maanta dib ugu soo laabtay gobolka Galgaduud ciidamo fara badan oo ka tirsan Ururka Ahlu-Sunna waljameeca,kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Itoobiya. Ciidamadaani oo tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 1000 askari ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Taliska Dowlada KMG Soomaaliya oo beeniyay in Alshabaab ay gudaha u galeen deegaanka Jasiira

Abaanduulaha Ciidamada XDS Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” oo galabta la hadlayay warbaahinta gudaha magaalada Muqdiusho ayaa beeniyay wararka sheegaya in Alshabaab ay manta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jasiira ee Sh/hoose. Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” ayaa sidoo kale xaqiijiyay … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasaarada Caafimaadka dowlada KMG Soomaaliya oo deeq dawo ah gudoonsiisay Maamulka Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta deeq isugu jirta Dawo iyo qalab caafimaad ku wareejisay maamul goboleedka Galmudug. Deeqdaan Dawada ah iyo qalabkaani caafimaad ee Wasaarada Caafimaadka ay gudoonsiisay dhigeeda galmudug ayaa waxaa munaasabadii lagu bixinayey Dawada iyo qalabka goob … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Burcad badeeda oo sii daayay markab laga lahaa dalka Jarmalka

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab laga lahaa dalka Jarmalka iyo shaqaalahiisa ka dib markii ay afduub ahaan u heysteen in ka badan labo bilood sida lagu sheegay  war saxaafadeed ka soo baxay shirkada iska leh markabkaasi oo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dowlada KMG oo balan qaaday inay cirib tiri doono ciidamadeeda ee hubka ka iibiya Alshabaab

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa balan qaaday inay si adag ugu shaqeyn doonaan sidii loo cirib tiri lahaa isla markaana gacan bir ah lagu qaban lahaa dadka la sheegay inay ka tirsanyahiin Ciidamada dowlada ee ka ganacsada hubka dowladda,kuwaasoo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ciidamo Midowga Afrika oo tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan dowlada KMG

Waxaa dhawaan dalka Kenya Tababar ugu soo xirmay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya,iyadoona ay tababarkaani ay bixinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Tababarkaan oo soconayay sadaxdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Mudanayaasha Baarlamaanka oo Maanta Kulan Ku qaadanaya xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed

Bartamaha:Xarunta golaha Shacabka Soomaliyeed ayaa waxaa maanta ku balansan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  si ay ugu hadlaan qodobo badan oo ay ugu muhiimsantahay si loo badbaadiyo dhibaatada ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u diyaar … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka warfaafinta Dowlada iyo Warbaahinada Mugadisho Oo Maanta Kulan qaadanaya

C/Kariin Xasan Jaamac oo ah Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta kula balansan xarunta wasaarada warfaafinta Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Warbaahinada ka jira Mugadisho si uu ugula hadlo dadaaladao Ee Dowalddu ugu jirto soo celinta Nabadda. Wasiirka Warfaafinta ayaa la … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

G/sare Cawil Axmed Jaamac oo Shil Gaari ku Geeriyooday

Wararka kusoo dhacaya Xafiiska Bartmaha.com ayaa tibaaxaya in Sarkaal ka tirsan Boolsika Puntland uu ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay MagaaladaGaroowe. Allaha u naxariistee Cawil Axmed Jaamac oo ahaa Taliye xigeenkii hore Ee qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ku … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ” Guulo ayaa ka gaaranay Dagaladii ka dhacay Mugadisho laakin uma dhicin sidii aan filaynay”

Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in wax badan ka dhimanyahay Dagaaladii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la galeen Al Shabaab islamarkaana uusan ku qancin qaabkii ay Dagaaladaasi ugu hortageen Kooxda Alshabaab. Madaxwaynaha … read more »

Posted in Wararka Maanta | 1 Comment

Taliyaha Ciidanka Dowladda Kenya Oo ka jawaabay Hanjabaadii Alshabaab

Taliyaha Ciidanka Dowladda Kenya Mathew Itere ayaa ka jawaabay hanjabadii kasoo yeertay Kooxda Alshabaab isagoo sheegay in  heegan sare galiyeen sidii ay ku xoojin lahaayeen ammaanka xuduuda u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya waxuuna kaga digay Kooxaha Alshabaab inaysan isku dayin … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment