Augustine Mahiiga oo la shiray Madaxda Dowlada (Sawiro)
Bartamaha (Muqdisho):- Wafdi uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobe Ee Soomaaliya ayaa maanta ka dagay magaalada Muqdisho isagoo la soo kulmay madaxda sare Ee Dowlada KMG ah.
Augustine Mahiga ayaa kulan xarunta madaxtooyada kula qaatay madaxweynaha Dowlada KMG Sheekh Shariif iyo ra’isul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo uu kala hadlayay arimo u gaar ah oo aan si dhab ah saxaafada loogu soo bandhigin.
Dr.Mahinga ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha uu ahaa mid xasaasi oo ay is dhaafsadeen fikrado ku aadan sidii looga faa’iideysan lahaa mudada kooban ee u hartay dowlada KMG ah .
Mahiiga waxa uu daaha ka rogay in Qaramada Midoobe ay la diyaar tahay wanaajinta shaqada dowlada oo dhaqaale walba ay hadda ku bixinayso sidii amniga wadanka wax badan looga badali lahaa taasi oo rajjo badan dadka ku abuuraysa .
Madaxweynaha iyo Ra’iisul; Wasaaraha si cad saxaafada ulama aanay hadlin wallow Ra’iisul Wasaaraha oo daqiiqad kooban hadlay cadeeyay in Xukumadiisa ay kala hadashay Mahiiga sidii Xukumada gacan looga siin lahaa fulinta balan qaad ay samaysay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Mahiiga ujeedada uu Muqdisho u tagay ay tahay joojinta abaabul la malaysanayo kaasi oo salka ku haya in mudada madaxweynaha ay dhamaatay doorashana loo baahan yahay taasi oo uu ka hor tag ahaan talooyin u soo siiyay Madaxda Dowlada.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments