Calendar

Askarta Dowlada oo Xalay qof rayid ah ku dilay Degmada Waabari Muqdisho.

AskariBartamaha(Muqdisho):-Askar ka mida Ciidamada Dowlada ayaa Xalay qof rayid ah ku dilay Degmada Waabari Muqdisho ka dib markii ay ka shakiyeen.

Ciidanka Dowlada oo ku sugnaa Fariisin ay ku lahaayeen Degmada Waabari ayaa waxa ay rasaas la beegsadeen qof rayid ah kaasi oo ay uga shakiyeen in uu doonayay in qarax uu u geysto xarunta.

Askarta ayaa waxa ay ku jireen howlahooda adkaynata ammaanka goobta ay daganayihiin iyadoo rasaas la beegsaday wiil dhalinyara ah oo ku soo dhawaaday saldhiga ay askarta daganyihiin.

Waxaa la sheegay in wiilka ay Ciidamada dileen uu ahaa nin  dhaga la’ oo aan waxba maqlin kaasi oo daganaa Xaafad ka mida Degmadaasi Waabari isagoo aan maqlin amar ay Ciidamada siiyeen ka dibna ay dileen.

Inta badan Xiliyada habeenkii ah waxaa Qatar ah in la mnaqro wadooyinka qaar oo ay ka agdhow yihiin Askarta Dowlada oo inta badan ka shakiya dadka socotada ah oo qaar ka mida ay dileen marar hore.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: