Askarta Dowlada oo saaka dad badan kala dagan gaadiidka galaya Suuqa Bakaaraha.
Bartamaha(Muqdisho):-Askarta Dowlada ayaa saaka sameeyay howlgal baaritaan ah oo ay gawaarida kala dagayeen dhalinyarada ay uga shakiyaan in ay la shaqeeyaan Alshabaab.
Howlgal baaritaan ah oo ay Ciidanka ka sameeyeen Wadada Makka Al Mukarama ayay ku qabqabteen dhalinyaro badan oo ay ku Eedeeyeen Alshabaab.
Howlgalka ayaa waxa uu ahaa mid gawaarida si gaar ah loola socanayay dhaqdhaqaaqooda waxaana jiray dad badan oo askarta ay jirdil kula dhaqaaqeen ka dibna ay la hareen.
Ciidanka waxa ay si gaar ah u eeganayeen dhalinyarada ka soo tagaysa BNakaaraha iyo kuwa u dhaadhacaya suuqaasi Bakaaraha maadaama wadada kaliya ee la maro ay tahay Isgoyska Dabka.
Dadka ay Ciidamada qabqabteen ayaa waxaa ku jiray Arday wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho iyagoo ka diiday in ay eegaan ID-cards ay wataan ardayda balse ku sheegayay in ay yihiin Shabaab.
Howlagalada ayaa waxa ay dhawaanahan ahaayeen kuwa iska joogta waxaana inta badan ay Ciidamada qabqabtaan dhalinyarada iyadoo la xaqiijiyay in dhaqaale lagu sii daayo marka la geeyo Xarunta Ciidamada Nabad Sugida.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments