Calendar

Askarta Dowlada oo saaka baaritaana ka sameeyay Muqdisho.

baaritaanBartamaha (Muqdisho):- Ciidamada Dowlada ayaa saaka baaritaana ka sameeyay wadada Muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho Ee Makka Al Mukarama.

Baaritaana adag ayaa saaka Ciidanka ay ka bilaabeen wadada isku xerta KM.4 Illaa Isgoyska Dabka iyo sidoo kale wadada dabka iyo Bakaaraha xiriirisa halkaasi oo ay gaadiidka ku baarayeen.

Askarta ayaa waxa ay saaka gaadiidka kala dageen ku dhawaad 15-dhalinyara ah kuwaasi oo looga shakiyay xiriir la wadaagida Islaamiyiinta Mucaaradka iyo ku lug lahaanshaha ammaan darada.

Gaari walba oo soo mara wadada ayaa saaka laga dajinayay dhammaan rakaabka waxaana xiligaasi ka dib dadka saaran loo baarayay mid mid taasi oo sababtay in Ciidanka ay gacanta ku dhigaan dad badan oo shaki laga qaaday.

Gawaarida sida gaar ah loo baarayay ayaa ahaa kuwa ku wajahan Suuqa Bakaaraha iyo qaarka ka soo baxayay intaba oo laba goob oo kala duwan ay Ciidanka ku baarayeen gawaaridaasi Bl-ka ee ka shaqeeya Muqdisho.

Baaritaanka saaka oo u muuqanayay mid qorsheysan ayaa waxaawadooyinka lagu arkayay gaadiid badan oo nuuca dagaalka oo ay wateen Booliiska Dowlada oo si gaar ah ammaanka u sugayay ciidanka baaritaanka ka qeybgalayay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: