Calendar

Askarta Dowlada oo ku heshiin waayay Lacago ay ka dhaceen gaari BL-ah.

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada KMG ah eek u sugan Isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa ku dagaalamay lacago ay ka dhaceen shacab saarnaa gaari BL-ah.

Barqanimadii maanta ayaa dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye kaasi oo u dhexeeyay Ciidan Dowlada ka wada tirsan kuwaasi oo isku qabtay lacago laga dhacay gaari shacab ay saarnaayeen.

Ciidanka Dowlada oo Isbaaro u taalo Wadada Ex-Control Afgooye ayaa la xaqiijiyay in qaar ka mida ay dhaceen gaari ay shacab saarnaayeen waxaana ay arintaasi keentay in qaar kale oo ciidanka ka mid ah ay dalbadaan lacagta shacabka laga soo dhacay taasi oo dagaal xoogan dhalisay.

Laba askari ayaa dagaalka saaka ku dhimatay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii Ciidanka Dowlada ka wada tirsan ay gacanta iskula tageen.

Askarta Dowlada eek u sugan goobta gaadiidka lacagaha looga qaado ayaa kala dhexgalay Ciidanka kale ee ku dagalamay meel ka yara baxsay goobta Isbaarada taalo markii ay ku dagaalameen lacag iyo Mobailo laga soo dhacay gaari rakaab ah.

Inta badan Ciidanka Dowlada KMG ah ayaa waxa ay ku dagaalamaan lacagaha shacabka laga soo dhaco taasi oo dhaawacaysa jiritaanka Ciidan ahaan ee Dowlada KMG ah.

Shacabka ku safra wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay dhawaanahan ka cabanayeen dhac ay geysanaan Ciidan wadada u gala gaadiidka marka ay ka dhaqaaqaan Isgoyska Ex-Control Afgooye oo gaadiidka lacago looga qaado.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: