Askarigii Turkiga ahaa ee ku dhintay weerarkii safaarada oo aas qaran loogu sameeyay dalkiisa
Askarigii Turkiga ahaa ee noqday qofka kaliya ee dawlada Turkiga kaga dhintay weerarkii safaarada ayaa loo sameeyay aas qaran oo uu ka qaybgalay safiirka Soomaalida u jooga dalkaasi Mursal Sheekh C/raxmaan.
Sinan Yılmaz oo 42 jir ahaa ayaa ku nafwaayay kadib markii safaarada lagu qaaday weerar naxariis darro ah oo ay sheegatay masuuliyadiisa kooxda Alshabaab.
Waxaana aaskiisa ka qaybgalay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada militariga ee Turkiga iyo qaar kamid ah qaraabadiisa.
Safiirka Soomaalida u jooga dalka Turkiga Mursal Sheekh C/raxmaan oo aaskaasi ka qaybgalay ayaa dawlada Turkiga, shacabka iyo qoyska Sinan Yılmaz u gudbiyay tacsi ka socota shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Weerarka lagu qaaday safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa fajaciso ku noqotay Soomaalida oo aaminsan in Turkigu uu yahay waddanka kaliya ee sida walaaltinimada ah u garab istaagay Soomaaliya xilligii adkaa ee abaarta iyo wakhtigan oo dalku uu kasoo kabanayo burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeye.
Comments
comments