Calendar

Askari Xildhibaan ku dhaawacay gudaha Muqdisho.

SOMALIA STATE OF WAR Bartamaha (Muqdisho):- Mudane ka tirsan Baarlamanka KMG ah ayaa maanta si bareer ah loogu dhaawacay gudaha Muqdisho.

Xildhibaan Shariif Aamin oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Bangiga dhexe ka gadaal markii Askari caraysan uu rasaas si bareer ah ula beegsaday Xildhibaanka.

Dad goob joogayaal ka ahaa falka ayaa waxa ay sheegeen in Askariga uu si cara leh ula hadlay Xildhibaanka waxaana ka dib uu rasaas kula beegsaday isla goobta uu taagnaa Xildhibaan Shariif Aamin.

Mudanaha dhaawacmay ayaa ka soo baxay Bangiga dhexe waxaana xiligaasi uu doonayay in uu u dhaqaaqo shirtkii Baarlamanka wallow dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madaxtooyada oo lagu dabiibayo hatan.

Mudanahan ayaa dhaawaca waxa uu ka soo gaaray saddex meel oo jirkiisa ah waxaana haatan la sheegayaa in xaaladiisa ay tahay mid culus oo loo baqayo Xildhibaankaasi dhaawaca halista ah ee ka soo gaaray rasaasta askariga uu ku furay.

Ma aha falkii ugu horeeyay ee Ciidanka Dowlada ay qof masuul ah u gaystaan waxaana la aaminsan yahay in Askariga uu ka caraysnaa dhaqaalo uu xildhibaanka ka doonayay waxaana aan la ogayn halkii uu qabtay askariga falka gaystay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: