Calendar

Askari Alshabaab ka tirsan oo nin da’ah ku amray in uu Dukado ka dibna dilay.

dagaBartamaha(War-maxan):-Askari Shabaab ah ayaa dilay nin da’ah ka dib markii ay isku afdhaafeen Dukashada Salaadii Casir isagoo si bareer ah ugu toogtay bartamaha Deegaandaasi.

Sida Xog uruurin iyo Xaqiijin badan ka dib aan ku ogaanay in Shalay galabtii la dilay nin da’diisa naloogu sheegay 62-jir kaasi oo daganaa Deegaanka Warmaxan ee Gobolka Sh/Hoose.

Ninkaasi ayaa waxa uu suuqa Deegaanka Warmaxan soo galay xilli la isku diyaarinayay Salaadii Casir iyadoo Ciidamo ay gudaha u soo galen suuqaasi oo ay dadka ku amrayeen in ay salaada aadaan.

Muddo yar ka dib ayaa waxaa la sheegay in ninka da’da ah ay u yimaadeen oo ay la hadleen kuna amreen in uu Masjidka aado iyadoo ay murmeen mid ka mida Ciidamad Shabaabka .

Muranka ayaa waxa uu salka ku hayay amarkan ninka la siinayay oo ahaa in uu Saalada aado iyadoo ay is afdhaafeen askarigii ka dibna uu isla goobta ku toogtay isagoo aan wax dhiila ah dareemaynin.

Ninka dilka gaystay ayaa waxa uu ahaa Askari Alshabaab ka mida kaasi oo u dilay ninkaasi amarka ay Alshabaab ku rogeen dhammaan Deegaanada ay ka taliyaan ee Koonfurta soomaalia kaasi oo ah in la wada xero dhammaan goobaha ganacsiga xiliyada salaada.

Waa dhacda naxdin iyo walwal ku abuurtay dadka dagan Warmaxan oo hoos tagtay Degmada Walaweyne ee Gobolka Sh.Hoose iyadoo sanadii hore Askari Xizbul Islaam ka mid ahaa uu dilay nin dhaqtar ah oo uu amray in Sigaarka uu cabayay uu damiyo.

Dilalka ay gaysanayaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa waxa ay iska noqdeen kuwa iska joogta ah iyadoo aan shareecxada Islaamka loo eegin mararka ay dilalka u geysanayan dadka oo inta badan ay askarta iskood fikirkooda uga go’aansadaan dilka.

Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: