Calendar

Askar ku la’atay Miino ay ku dul fariisteen gudaha Muqdisho.

SOMALIABartamaha (Muqdisho):- Askar ka tirsan Dowlada ayaa Xalay qasaara ba’an uu ka soo gaaray Miino loo galiyay goob ay u fadhiyeen Qayilaad.

Askar ka tirsan Dowlada ayaa xalay qarax uu haleelay xilli ay ku dul fariisteen goob loogu diyaariyay Miino nuuca meelaha rumuudka laga hago.

In ka badan 7-askari ayaa geeriyootay 5-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii Qarax nuuca Miinada ah uu ka dhex kacay goob ay ku Jaadayeen Ciidankaasi gudaha Degmada Dharkenley Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Dabakaayo Madow Degmada Dharkenley halkaasi oo ay habeenkii isugu tagaan Cidiamada Degmadaasi Dharkenley ku leh goobaha lacagaha gaadiidka looga qaado.

Gudoomiye Xigeenka Degmada qaraxa uu ka dhacay Ee Dharkenley Yuusuf Kabaale ayaa cadeeyay in qaraxa uu dhacay qasaarahaasina uu soo gaaray Ciidanka Dowlada ka tirsan.

Ciidanka qasaaraha gaaray ayaa waxa ay ku dul fariisteen Miino loo galiyay goob ay Habeenadii isugu tagaan taasi ayaa la sheegay in qasaaraha ay sii kordhisay.

Qaraxzyada ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay ku soo badanayay Degmooyinka dadka ay u barakaceen oo ay maamusho Dowlada KMG ah iyadoo Habeen ka hor uu qarax ka badbaaday masuul ka mida Maamulka Degmada Wadajir oo olog la ah Dharkenley.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: