Askar ka tirsan Ururrka Ahlu-Sunna oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday dalka Itoobiya oo maanta dib ugu soo laabtay gobolka Galgaduud
Waxaa maanta dib ugu soo laabtay gobolka Galgaduud ciidamo fara badan oo ka tirsan Ururka Ahlu-Sunna waljameeca,kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Itoobiya.
Ciidamadaani oo tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 1000 askari ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay tababar noocyadiisa kala duwan ugu socday dalka Itoobiya,iyadoona ugu dambeyn maanta ay dib ugu soo laabteen gudaha Gobolka Galgaduud oo ay ka arimiyaan Ururuka Ahlu-Sunna Waljamaaca,iyadoona wararka ay sheegayaan inay ciidamadeen u kala gudbeen dhanka Dhuuse mareeb iyo Balanbale oo ay sidoo kale gacanta ku hayaan Ururuka Ahlu-Sunna.
Wararka hoose ee heleyso warbaahinta www.Bartamaha.com ayaa sheegaya in ciidamadaani loo qorsheeyay inay weeraraan maalmaha soo aadan fariisimada kooxda Alshabaab,iyadoona aan la ogeyn waqtiga saxda ah ee weerarka qaadi doonaan ciidamadaani tababarka adag ku soo qaaty dhawaan dalka Itoobiya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments