Askar ka tirsan Dowlada oo rasaaseeyay gaari Bl- ah gudaha Degmada Xamar-Weyne Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa saaka rasaaseyn u geystay gaari ay dad shacab ah la socdeen gudaha Degmada X/Weyne halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxa uu ahaa mid BL-ah oo darawalka waday uu doonayay in uu kala cararo lacago sharci dara ah oo ay Ciidankaasi ku qaataan gudaha Degmadaasi Xamar-Weyne.
Rasaasta gaarigaasi lagu furay ayaa sababatay dhimashada 1-ruux iyo dhaawaca 4-kale oo dhammaan ah rakaabkii gaarigaasi Bl-ka ahaa iyadoo goobtaasi ay isaga carareen Ciidankii rasaastaasi geystay.
Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho iyadoo Ciidamo Booliiska ka mida ah ay goobtaasi yimaadeen iyagoo baacsaday Kooxihii dilka u geystay dadka shacabka ah.
Inta badan Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay geystaan falal dilal ah xiliyada darawalada gaadiidka ay kala cararaan lacagaha ay dalbadaan taasi oo shacabka ay waxyeela ka soo gaarto rasaasta ula kaca ah Ee Bulshada lagu rido.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments