Calendar

Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo Xalay lagu dilay Degmada Dharkenley iyo Howlgal ka socanaya Degmadaasi.

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Kooxo aan la garan ayaa xalay rasaas gaadma ah la beegsaday laba askari oo ka mida Ciidanka Maamulka Degmadaasi.

Labada askari ayaa waxa ay la kulmeen rasaas gaadma ah oo lagu soo furay iyadoo ay isku dayeen in ay isdifaacaan wallow labadaba ay haleeshay rasaasta ay ragga hubaysan furayeen.

Laba qoray oo ay wateen ayaa laga qaatay askartaasi iyadoo mid ka mida uu dhaawac soo gaaray halka midka kale uu goobtaasi ku dhintay sida ay www.Bartamaha.Com u sheegeen Dadka deegaanka.

Xiliga dilka uu dhacay ka dib ayaa waxaa xaafadaha Degmadaasi soo buuxiyay Cidanka Dowlada Ee Degmada Dharkenley oo bilaabay howlgalo ay ku raadjoogaan Kooxda dilka geysatay.

Illaa haatan waxaa socanaya howlgal ay wadaan Ciidamada ammaanka Degmadaasi ka wadaan si loo soo qabto kooxda dilka iyo qaadashada hubka geysatay oo aan la garan halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: