A/qaasim Salaad Xasan: “Caalamka iyo gudahaba si wadajir ayaan uga hortageynaa kuwa dagaalka ka magaalada Muqdishoâ€
A/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar magaaladiisa Qaahira ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inaan xilligan loo dulqaadan karin dagaallo mar kale ka dhaca Muqdisho xilli ay dalka ka baxeen ciidamada Dowladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay A/qaadir Salaad Xasan inuu xiriiro la sameeyay Dowladda iyo kooxaha mucaaradka oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, isagoona sheegay inuu kala hadlay sidii looga shaqeyn lahaa nabadda iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee A/qaasim waxa uu sheegay in dagaalkan Muqdisho ka bilowday aanu garaneyn in shisheeye ka dambeeyo.
“Waa la ogaan doonaa kooxaha la dagaalamaya Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif inay ka amar qaataan shisheeye iyo in kale†ayuu yiri A/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in isaga qudhiisa uu dadaal u galay sidii ciidamada Itoobiya dalka looga saari lahaa, wuxuuna caddeeyay in arrintaasi uu geeyay Q/Midoobay sidii ay gacan uga geysan lahayd.
Dhinaca A/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda iyo kooxaha mucaaradka ah inay joojiyaan dagaalka, wuxuuna sheegay in wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya ay ku dhameystaan wadahadal.
Mudadii ay dagaalada Muqdisho socdeen, ayuu A/qaasim tacsi u diray dhammaanba eheladii ku waxyeelowday dagaalada, wuxuuna ka dalabaday dhinacyada iska horjeed inay shascabka dushiisa ka baxdo
Comments
comments