Amnesty International oo Cambaaraysay qafaalkii Ciidanka Kenya.
Bartamaha (Nairobi):- Warbixin ka soo baxday Xafiiska Hay’ada Amnesty International ayaa lagu shaaciyay in hay’ada ay aad uga xuntahay dhibaatada loo gaystay Soomaalida dagan Nairobi.
Warbixin ay soo saartay hay’ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay qafaalka ciidamada booliska Kenya ku hayaan dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha wadanka Kenya.
Hay’ada waxa ay Warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in la qabqabtay qof walba oo Soomaali ah oo aan loo eegin yaraan,haween iyo rag intaba oo dhammaan gawaari dagaal la saaray.
Amnesty waxay sheegtay in dadka qoxootiga anu sharciga dhigeyn in la xiro ama dalka laga musaafuriyo maadaama ay yihiin kuwa ka soo cararay dal aan ammaan ahaan wanaagsanayn.
Warbixinta hay’ada ayaa sheegtay in booliska Kenya intii ay kujireen hawlgalka dad qabqabashada ah ay ku keceen falal isugu jira garaac dadka loo geystey, faraxumeyn dumarka qaar ah iyo lacago baad ah oo laga qaado dadka la qabtay.
Kenya waxay ka mid tahay meelaha dadka ugu badan ee qoxootiga Soomaalida ku nool yihiin waxaana habeenadii u danbeeyay la qabqabtay ku dhawaad 1,000 ruux oo Soomaali ah .
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments