Ammanka Garoonka Muqdisho oo la adkeeyay iyo digniin laga bixiyay qaraxyo dhawaan dhici kara.
Bartamaha(Muqdisho):-Waxaa Si Weyn Loo Adkeeyay Ammaanka Guud garoonka Diyaaradaha Muqdisho k dib digniino Laamaha ammaanka Dowlada ka soo baxay.
Ciidamo Booliiska ah ayaa lagu daadiyay dhammaan wadooyinka soo gala garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuwaasi oo baaritaan ku samaynayay gaadiidka maraya wadada Air-port-ka.
Ammaanka ayaa u muuqda mid la adkeeyay waxana jira baaritaano adag oo laguugu samaynayo haddii aad doonaysid in aad gasho garoonka Diyaaradaha waxaana mararka qaar laguu diidayaa xittaa in aad ka dhofto garoonka.
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa albaabka garoonka laga ceyriyay dad ku qornaa diyaarado wallow qaar badan oo ka mida dib loogu ogolaaday in ay galaan garoonka markii ay dacwad fureen shirkadaha Duulimaadka.
Taliska Booliiska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku racay in ay jiraan qorshe lagu doonayo qaraxyo ka dhaca garoonka diyaaradaha Muqdisho kuwaasi oo laga yaabo in la beegsado dhismaha garoonkaasi.
Qatarta ay dareentay Dowlada ayaanan la ogayn waxa ay ku salaysantahay marka laga reebo qalqal dhanka ammaanka ah oo laga dareemay dhanka garoonka iyadoo ay ogaadeen Laamaha ammaanka qorshayaal la doonayo qaraxyo ka dhaca Garoonka Muqdisho.
Qaraxyo badan ayaa waxa ay ka dheceen Xarunta Xalane oo ka mida garoonka Muqdisho halkaasi oo qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Amisom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments