Ammaanka Kismaayo oo Caawa la adkeeyay iyo Ciidamo hor leh oo la geeyay Dhoobley.
Bartamaha(Kismaayo):-Xaalada Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa Caawa si weyn loo adkeeyay ka dib dil Xalay loogu geystay Magaalada Sargaal sare oo Shabaab ah iyadoo dhaqdhaqaaq xoogan laga dareemayo dhoobley.
Wararka Caawa aynu ka helayno gudaha Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamo xoogan la soo dhoobay wadooyinka Magaalada ka dib markii Xalay uu halkaasi dil ka dhacay iyadoo Maantana lagu guulaysan waayay soo qabashada Kooxdii dilka gaysatay.
Ciidamada Xisbada Alshabaab Kismaayo oo wadooyinka ku sugnaa galabta aya waxa ay dadka farayeen in ay guryahooda ku ekaadaan oo aanay jirin cid lagu arki karo gudaha Magaalada amar la’aan taasi oo muujinaysa Bandow aan horay loo shaacin.
Ma jiro wax war ah oo laga haayo Saraakiisha Alshabaab Kismaayo balse waxaa taagan wadooyinka Ciidamo shacabka oo dhan ku amray in ay guryaha ku ekaadaan oo aanay u soo bixi karin wadooyinka Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ayaa sheegaya in halkaasi galabta ay gaareen Ciidamo xoogan oo uu hogaaminayo Taliyaha Alshabaab Kismaayo oo si KMG ah loogu dhiibay shaqada Amarka Ciidam ada Dhoobley.
Ciidamada gaaray Degmada Dhoobley ayaa waxa ay saaka ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo ka dib dilka loo geystay Madaxii Ammaanka Alshabaab Dhoobley kaasi oo maanta lagu aasay gudaha Magaalada Kismaayo oo Xalay lagu dhex dilay.
Wararka ugu danbeeya Soomaaliya oo dhan oo Xaqiiqda ku salaysan www.Bartamaha.Com kala soco xilli waliba.
Xafiiska Wararka Soomlaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments